U bood dhigaalka

Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo Maalintii Labaad Ku Xiran Amarka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheeko:Amniga

Qareennada u doodaya  Weriye Cabdi casiis Gurbiye ayaa sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn  loo maray habka  xiridda Weriyaha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalintii labaad u xiran Dowladda Federaalka.

Warqad Qareennada  u doodaya  Gurbiye ay u gubiyeen Maxkamada  Gobolka Banaadir  ayay ku  muujiyeen  sharci darrada  uu ku xiran yahay Weriyaha oo hada ku xanuunsanaya xabsiga uu ku  xiran yahay.

Qaadista iyo dhageysiga Dacwad Ciqaab oo la xiriirta 220 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo talaabooyinka kale ee la xiriira sida soo saarista amarka qabashada iyo horkeenista ee uu jidanayo xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxa ay awoodeedu tahay maxkamadda degmada  sida ay dhigayaan .

Qodobaka 2aad farqaadiisa 4aad ee xeerka Nidaamka Garsoorka ee Tr. yahay Lr 1. Soo baxay 12-06-1962.

Qodobada 2aad farqadiisa 2aad ee xeerka  habka ciqaabta Soomaaliyeed ee tirsigiisu yahay Lr 1 soo  baxay 1963.

Qodobada 8aad farqadiisa 3aad ee Sharciga nidaamka Garsoorka ee tirsigiisu yahay Lr 34 soo  baxay 11-09-1974.

Hadaba waxa muuqanaysa in amarka ah soo qabashada iyo horkeenista ee ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir aysan ahayn mid awood sharci ah ku  fadhida, maadama ikhtisaaskaasi ay leedahay Maxkamada   iyo Garsoorka degmada uu degan yahay Cabdicasiis Gurbiye.

Qareenada iyo Sharciyaqaanada  ayaa dalbanaya sii deynta Weriye Cabdicasiis Gurbiye  oo soo qabashadiisa  iyo horkeenista Maxkamadda Gobolka Banaadir    ay hareer marsan tahay  xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Goobjoog News.