U bood dhigaalka

Weriye Gurbiye oo Berri Mar Kale Hortagaya Maxkamadda Gobolka Banaadir

Sheeko:Amniga

Berri oo talaado ah, 14-ka bisha xuriyadda ee Luuyo,  waxaa mar kale maxkamadda gobolka Banaadir hortagi-doonna tifaftiraha guud ee Goobjoog iyo agaasime ku-xigeenkeeda  Cabdicasis Axmed Gurbiye.

Weriye Gurbiye ayaa wajahaya dacwo uu garwadeen ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo taas oo ujeedkeedu yahay in weriyaha la aamusiyo inta xilka madaxweynaha ka dhimman.

Kiiska loo heysto weriye Gurbiye, oo saxaafadda u taqaanno “Kiiska guurguura”, waxaa markii hore ay eedeyntu aheyd  qodobka 220 ee xeerka ciqaabta oo ah sharaf dilka madaxweynaha jamhuuriyadda waxaase muuqata in hadda la badalay oo laga dhigay qodobbada 269 iyo 328 ee isla xeerkaas oo ka hadlaya ka been abuur hey’ad garsoor taasi uu Mr. Gurbiye ku beeniyey maxkamadda horteeda isaga oo garsooraha dacwada qaadaya u sheegay in aanu dambigaas gelin, una dhowaan hey’adaha garsoorka.

Dacwada loo heyso weriye Cabdicasis Gurbiye oo nooceeda ah waxaa sharci-darro lagu tilmaamay hey’adaha xuquuqda aadanaha, mas’uuliyiin Soomaali iyo ajaanib ah laakin sii wadista kiiska ee madaxweyne Farmaajo waxaa ay caddeyneysaa in aanu ixtiraam u heyn xuriyadda hadalka iyo wax la xiriira xuquuqda aadanaha.

Qareennada weriye Cabdicasis Axmed Gurbiye ayaa talaadadii hore sameeyey ishortaag iyaga oo garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in aanu sii wadin dacwaddan taasi oo jawaabteeda berri la sugayo.

Goobjoog News