U bood dhigaalka

Weriye Gurbiye oo Maanta Mar Kale Hortagaya Maxkamadda Gobolka Banaadir

Sheeko:Amniga

Maanta oo talaado ah, 14-ka bisha xuriyadda ee Luuyo,  waxaa mar kale maxkamadda gobolka Banaadir hortagay tifaftiraha guud ee Goobjoog ahna agaasime ku-xigeenkeeda  Cabdicasis Axmed Gurbiye. Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay qaado  dacwadda weriyaha oo dhowr jeer hore dib  ugu dhacday sababo farsamo.

Kiiska loo heysto weriye Gurbiye, oo saxaafadda u taqaanno “Kiiska guurguura”, waxaa markii hore ay eedeyntu aheyd  qodobka 220 ee xeerka ciqaabta oo ah sharaf dilka madaxweynaha jamhuuriyadda waxaase muuqata in hadda la badalay oo laga dhigay qodobbada 269 iyo 328 ee isla xeerkaas oo ka hadlaya ka been abuur hey’ad garsoor taasi uu Mr. Gurbiye ku beeniyey maxkamadda horteeda isaga oo garsooraha dacwada qaadaya u sheegay in aanu dambigaas gelin, una dhowaan hey’adaha garsoorka.

Qareennada weriye Cabdicasis Axmed Gurbiye ayaa talaadadii hore sameeyey ishortaag iyaga oo garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in aanu sii wadin dacwaddan waxaana lafolayaa in codsigooda maanta laga helo maxkamadda in ay jawaab ka bixiso in dacwadda ay sii socoto ama halkaas lagu soo gaban gabeeyo.

GOOBJOOG NEWS KALA SOCO WIXII SOO KORDHA .

Goobjoog News