U bood dhigaalka

Weriyeyaal Ka Cabanaya Jirdil, Xarig iyo Cabsigelin Ay Hey’adaha DF Kala Kulmaan Xilliga Dibadbaxyada

Sheeko:Amniga

Xilli dalku uu ku jiro xilli doorasho, 49 cisho oo keliyana ay ka dhimman tahay muddo xilkeedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warbaahinta madaxabbaan waxaa ay ka sheeganayaan cuburin, xarig iyo dhaqamo lid ku ah xuriyadda hadalka iyo saxaafadda.

Todobaadkii hore, ilaa 3 goob oo kala duwan oo dibadbax nabadeed ka socday ayey sheegeen warfidiyeenka in si xun loola dhaqmay, la jir dilay, qaarkood la xiray isla markaana laga hor istaagay shaqadooda.

Maxamed Ibraahim Bulbul oo ka tirsan Universal TV oo ka tirsanaa weriyaasha dibadbaxyada kasoo waramay oo arrinta qabsaday uga waramay Goobjoog News ayaa yiri” waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah, mid ka mid booliska markii uu nagu yiri meel aad u dhaqaaqeysaan ma leh , waxaa uu noo wacay taliyaha oo meel aan ka fogeyn joogay, taliyihii gaari ayuu saarnaa waa uu ka soo degtay, waxaana uu nagu yiri,  ma kuwa qaran dumiska ayaa tiuhiin mise waxaa tihiin kuwo kale, markaas ayaan ku dhahnay waxa aad sheegayso waa maxay? Wariyeyaasha dibadbaxa kasoo waramay myaa tihiin mise kuwo kale,  haddii aad tihiin qalabka halkaan dhiga”

Wariye Bulbul oo sii hadlaayo ayaa yiri” Annaga oo adeegsaneyna farsamooyinkeenna, waxaan ku dhahnay,  annaga dibadbax ka ma imaan xaflad meeshaan ka socota ayaan kasoo baxnay, haddana inta ayaan usii soconaa  maya, sidaas ayaan kusoo marnay, durba waxaan maqalnay saaxiibbo ka mid ahaa warbaahinta oo iyagana ku sii jeeda goobta in jidka loo galay,  la qabtay, la xiray oo  xabsiga ku jireen, markii dhacdada dhammaatay lasoo daayey ” ayuu yiri wariye Bulbul.

Wariye Abuurkar Dayax oo ka tirsan Dalsan Tv oo isna Goobjoog News u waramay ayaa yiri ” Shaqsi ahaan aniga iyo Camiro man oo aan kawada tirsaneyn warbaahinta Dalsan, annaga oo u soconno dad degmada Kaaraan ka dhigayey dibadbax ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya waxaa ay nagu qabteen isgoyska Birinaayada oo kala qeybiya Kaaraan iyo Cabdi Casiis, runtii annagu ma,anaan garaneyn duruufaha nagula bartilmaameedsanayey, waxaan galabsanay iyo qaladka gaarka ah ee aan sameynay” ayuu yiri Abuukar Dayax.

Dayax oo sii hadlaayo ayaa yiri” Annagu waxaa nahay  muwadainiin Soomaaliyeed, oo shaqadooda u socday oo gudanaayey, waxaa dhacday ciidamo Booliiska ah iyo kuwa dharcad ah oo u hubeysnaa in ay noola dhaqmeen si aan wanaagsaneyn, hub naloola baxay nala hadaday, annagu aanan ogeyn waxa nagula heystay, kadib nala waday annaga iyo qalabkii aan wadanay shaqadii aan ku aadanay saldhigga Cabdicasiis nala geeyey muddo saacado ah ayaan halkaas ku xirneyn, ilaa sedex saacadood ayaan halkaas ku xirneen kadib allah waxaa uu qadaray in nala soo daayo, markii nala geeyey xabsiga waxaan ugu tagnay wariyeyaal kale oo la soo xiray oo iyagana sidaas oo kale loosoo qabtay oo xarunta ku sugnaa saldhigga Cabdicasiis” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabaeeyey Abuukar Dayax.

Wariye Maxamed Xuseen Daacad oo ka tirsan RTN T, waxaa uu sheegayaa in badan in ay la kulmeen handadaad, isaga oo la hadlaya Goobjoog News waxaa uu yiri ” Hadda Bannaanbixii ugu dambeeyey waxaan kala kulanay in saxafiyiintii aaday rasaas lagu furay, qaarna ay dhibaato soo gaartay, qalabkii kasoo ordeen dhibaatooyin badan ay la kulmeen,  lakiin muhiimadu waxaa ay tahay in ciidamadu ay fahmaan in saxaafaddu in dhankooda ay ka shaqeynayaan hormarka dalka”

Cabdulqaadir Bidaar oo katirsan RTN TV oo isna isla arrimahan kala hadlay Goobjoog News ayaa yiri” Marka aad wax duubaneyniid, ama aad barnaamij u baxdid, oo aad tagtid meesha aad shaqada ka qabsanaysid, kow waxaa ay bilaabayaan in ay adiga ku beegsadaan oo aysan dibadbayaasha aysan beegsan , Case weliba oo dhacaayo dibadbax kaliya yaanan dhihin, marweliba qofka soo duubo oo rabo inuu soo daayo,waxaa dhacda in ay ku handadaan, ama qalabka in ay kaa jabioyaan iyo n ay ku garaacaan  inta aysan ku gaarsiinin goobaha ay ku leeyihiin saldhigyada” .

Abadalla Muumin xogyaha Saxafiyiinta SJS oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri“ Waxaan diiwaan gelinay 15 bisha,  maalin talaado ah kiisaska soo socda oo ka mid yihiin, waxaa la xiray 5 saxafiyiin oo magaalada lagu xiray loona heystay in ay duubaayeen ama ay u socdeen in ay soo tabiyaan mudahaaradiikii maalintii talaadada ahaa 15-kii December 2020, oo mudisho ka dhacay” .

Xoghayaha oo sii hadlaayo ayaa yiri” Waxaa sidoo kale ciidamudu handadaad hor istaagid ku sameeyeen  maalintii taariikhdu aheyd 17-kii December 2020, ciidanku waxaa ay hor istaageen koox wariyeyaal ah oo soo tabinaayey bannaan baxay ay mucaaradku ka sameeyeen deegaanka Soonakey oo ka tirsan degmada Hodan ayaa ciidanku beegsadeen, dhacdooyinkaas waxaa ka mid ah, labo saxafiyiin ah oo ciidamadu ay u isticmalaeen oo bastoolad lagu garaacay oo lagu xiray saldhigga ciidanka degmada Cabdicasiis, sexafi sedexaad waxaa lagu xiray saldhigga degmada Waabari iyadoo qalabkii uu watay laga qaaday muuqaaladii uu watayna laga tirtiray”

Ugu dambeyntii, Abadalla Muumin xogyaha Saxafiyiinta SJS ayaa waxaa uu kusoo gabagabeeyey“ Intaas xadgudub xoriyadda hadalka ka dhan ah ma ahane, waa xadgudub weyn ka dhan ah shaqada suxufiyiin iyo shaqada saxaafadda madaxbannaan ee gudaha dalka, suxufiyiintu waxaa ay halis gelinaayaan naftooda si joogta ah iyagoo ujeedadoodui tahay in ay soo tabiyaan waxyaabaha waddooyinka ka socda waxa ka dhacaayo magaalooyinka waxa ka socda dalka si dadka Soomaaliyeed iyo caalamku u ogaadaan” .

Goobjoog News