U bood dhigaalka

WFP "700 Kun oo Soomaali ah Ayey Soo Wajihi Doontaa Cuno Yaraan"

Sheeko:Dalka

UN World Food Programme (WFP) oo sheegtay in sanadka cusub Soomaaliya ka dhici doonto dhibaato aad u weyn oo xaga baniin-aadamnimada ah.

WFP ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 700,000 Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar banii-aadamnimo sida Cunto yari iyo nafaqo la’aan.

Abaartan ayaa laga yaabaa in ay bilaabato January 2015 sida ku qoran warbixinta WFP.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in 300,000 oo ah caruur da’doodu ka yar tahay 5 sano ay qarka u saran yihiin macluul iyo nafaqo darro.

Warbixibtan WFP ayaa kusoo aadeysa xili dalka ku jiro qalalaaso siyaasadeed iyo dowllada Soomaaliya oo an u shaqeyn sidii laga filayey.