U bood dhigaalka

WHO: 90% Dadka Dunida Ku Nool Weli Kuma Dhicin COVID-19

Sheeko:Amniga

Qoraal ay soo saartay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in ilaa hadda dadka uu ku dhacay  COVID-19 ee dunida ku nool ay guud ahaan gaarayaan 800 oo Milyan oo u dhiganta 10% halka 90% aaney weli ku dhicin.

Dr Mike Ryan oo madax ka ah barnaamijka degdegga ah ee WHO ayaa sheegay 10% dadka dunida ku nool laga yaabo inuu ku dhacay COVID 19.

” Waxaa laga wado waa in inta badan dadka dunida ku nool ay weli khatar ku jiraan, waxaan ognahay in cudurka oo sii faafayo, laakin waxaa ay heynaa qaababkii aan ku xakameyn laheyn faafidda cudurka, una badbaadin laheyn nolosha dadka, qalabkaasina waan heli karnaa”. ayuu intaasi raaciyey.

Xilli dunida ay taxadir muujineyso ayaa waxaa muuqata in Soomaaliya la iloobey hadal heynta COVID 19, lana ogeyn inuu weli khatar yahay.

Goobjoog News