U bood dhigaalka

WHO: Fayraska Omicron Waxa Uu Sameynaya Isbadallo Aan Horay Loo Arag

Sheeko:Amniga

Hay;adda caadimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa war ka soo saartay nooca cusub ee coronavirus kaas oo ka dilacay dalal ka tirsan qaaradda Afrika iyo qeyba ka mid ah Yurub.

Noocan cusub ee xanuunka oo lagu magacaabo OMICRON ayaa la sheegay in uu yahay mid aad uga halis badan nooci hore ee xanuunka.

WHO ayaa sheegtay in fayriskan uu yahay mid saameyn xooggan ku reebi karo dalal badan, sidoona kalena ay fududahay in laysku gudbiyo.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa walaac xoogan ka muujiyay sida uu u fidayo xanuunka, isagoo ku baaqay in si deg deg ah talaalka loo gaarsiiyo dalalka ay baahida ka jirto.

“Feyraska Omicron isbaddalo aan horey loo arag ayuu sameeyaa, qaarkood waa kuwa walaac leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay  WHO.

24 November ayeey aheyd markii ugu horeysay ee noocan lagu arko dalka koonfur afrika, balse xaaladda ayaa sii cuslaatay kadib markii laga diiwaan geliyay isbitaalada  Botswana, Belgium, Hong Kong iyo Israel kuma naan qof oo uu soo ritay.

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa shaaciyay in ay xirayaan duulimaadyada dibadda si looga hortago fayriskan cusub.

Uk ayaa durba amar ku bixisay in aysan dalkeeda soo gali karin dad ka imaaday dalalka Koonfur Afrika, Namibia, Zimbabwe, Botswana, Lesotho iyo Eswatini, haddii aysan aheyn muwaadiniinta boqortooyada.

Goobjoog News