U bood dhigaalka

WHO Iyo Soomaaliya Oo Bilaabaya Olole Lagula Dagaallamayo Jadeecada

Sheeko:Caafimaadka

 Hey’adda caafimaadka adduunka WHO waxaa ay sheegeysaa in Soomaaliya marka laga soo tago abaarta iyo gaajada ay dad badan khatar ugu jiraan Jadeeco, dowladda iyo hey’adda ayaa iska kaashanaya sidii arrintan wax looga qaban lahaa, olole ayaa lagu wadaa in uu bilowdo.

“Soomaaliya waxaa ay wajaheysaa dhibaato banii’aadnimo tii ugu darned, Malaayiin dad ah o horay la dhibaateysnaa abaarta iyo gaajada ayaa hadda waxaa ugu darsamay xanuun sida Shuban Biyoodka iyo Jadeecada, in la daaweeyo ama laga hortago waa fududahay, laakin waxaa daran in ay faraha ka baxaan” sidaasi waxaa sheegaya Dr Ghulam Popal oo  WHO wakiil uga ah Soomaaliya. Abaarta iyo la’aanta biyo nadiif ah, waxaa ay keeneen shuban biyood, 1,157 qof ayaa dhintay ka hor 31 July 2017.

US$ 14.4 million ayaa la sheegayaa in loo baahan yahay sida tallaal loogu helo Jadeecada, ololaha ayaa bilaabayana November 2017. US$ 6.8 million oo WhO codsatay, illaa hadda waxba ma helin.

Goobjoog News