U bood dhigaalka

WHO oo Agab Looga Hortago Covid-19 Gaarsiisay Jowhar

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda Caafimaadka aduunka ee magaceeda lusoo gaabiyo WHO ayaa maanta qalab caafimaad oo ka kooban maaska afka lagu xirti gacmo gashi iyo agabyo kale oo dhammaan looga hortago cudurka sarmarka ee Covid-19 ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka hirshabaale.

Agabkaan oo maanta wasaaradda caafimaadka hirshabeelle kula wareegtay Magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe ayay hay’adda ugu talagashay in lagula dagaalamo cudurka Karoona madaama gobolka ay ka jiro biyo bax kaddib markii uu Wabiga shabeelle uu ku fatahay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee  dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Hay’adda wHo deeqda ay soo gaarsiisay isagoo sheegay in xiligaan adag baahi badan ay u qabeen.

“Waxaan uga mahadcelineynaa deeqdaan agabka caafimaad oo ay inoo keentay maxaa yeelay waa waqti aan baahi qabno maadaama deegaano Hirshabeelle uu soo gaaray cudurkaan Covid-19 “ayuu yiri wasiirka Caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Goobjoog News