U bood dhigaalka

WHO : Soomaaliya Waxa Ay Ku Guuleysatay Xakameeynta Cudurka Dabaysha

Sheeko:Amniga

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay  xakameynta faafitaanka nooca seddexaad ee cudurka dabaysha,  ka dib olol tallaal oo laga hir galiyay dalka sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

 

Agaasimaha WHO ee ciribtirka Cudurka Dabaysha ee Bariga Mediterranean Dr. Xamiid Jafari ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray Isniinta ‘nooca Talaalka looga hortagayio  cudurka dabeysha nooca 3 (cVDPV3) , iyadoo si rasmi ah loogu guuleystay Xakameynta faafintanka Cudurka .

Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka, kiiskii ugu dambeeyay ee nooca seddexaad  ayaa laga diiwaan galiyay Soomaaliya sanadka 2018, xilligaasi oo uu Cudurka curyaamiyay toddobo carruur ah.

“In kasta oo la qaatay tallaabooyin ballaaran oo lagula socodo cudurka ma jirto wax cVDPV3 ah oo la aqoonsaday tan iyo 7-dii Sebtember 2018, markii cunuggii ugu dambeeyay uu curyaan noqday.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay WHO.

Nooca ‘CVDPV3’ ee 2018 la arkay wuxuu ka mid ahaa 2-nooc oo cudurka dabaysha ah oo ka dillaacay xilligaas Soomaaliya.

,Talaalka  cudurka dabaysha oo  loo yaqaan ‘poliovirus type 2 ayaa lagu guuleystay in uusan nooca seddaxaad ee cudurka uusan soo gaarin Soomaaliya.

Xidhitaanka cudurka dabaysha ayaa ah nidaam rasmi ah oo ay hogaamineyso liis hubineed oo faahfaahsan oo muujinaya tilmaamayaasha la socoshada oo ay tahay in la buuxiyo si loo muujiyo in fayrasku uusan ku dhuumaaleysanin jeebka fog laakiin uu si dhab ah u lumay, ayay tiri WHO.