U bood dhigaalka

WHO: Waxaan Rejo Weyn Ka Qabnaa In Sanadkan Laga Adkaado COVID-19

Sheeko:Amniga

Hay’adda caafimaadka adduunka u qaabilsan qaramada midoobay ee WHO ayaa sheegtay in sanadkan cusub ay filayaan in la soo afjaro xanuunka corona.

Agaasimaha hay’adda caafimaadka WHO Dr Tedros Adhanom  ayaa sheegay in rajo waceyn laga qabo sanadkan in uu dhamaado xanuunka corona virus, isagoo taas ku xiray in ay suura galeyso haddii dalalka caalamka si isku mid ah isaga kaashadaan ciribtirka safmareenkan.

Tedros ayaa walaac ka muujiyay keydinta talaalka dalalka qaar ay sameynayaan iyada oo aan lawada gaarsiin bulshada.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli xanuunka markii uu bilaawday ay ka soo wareegtay laba sano, xilligaasi oo December 2019 ka dilacay cudurka dalka shiinaha.

Inkabadan 5.5 milyan oo qof ayaa la xaqiijiyay dunida in ay xanuunka ugu dhinteen labadii sano ee la soo dhaafay halka uu soo ritay 287 milyan oo qof.

Goobjoog News