U bood dhigaalka

Wiil Dhallinyaro ah oo Mobile Dartiis Loogu Dilay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in koox hubeysay ay gudaha magaalada ku dishy wiil kamid ah Dhallinyada, dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne xalay fiidkii.

Dilka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu yimid kadib markii kooxda dilka geystaya ay marxuumka la dikay ay isku dayeen in ay ka dhacaan Mobile uu heystay, taas oo keentay inuu gurigiisa ku dhextuuro kaas uu albaabka ka fadhiyay sida ay sheegayaan wararka.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Saadaam, kooxdii dilka geysatay ayaa meesha isga baxsatay, ciidanka ammaanka oo soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa sameeyay baaritaanno walow aan la shaacin loosoo qabtay dilka ka dhacay Baladweyne.

Dhaca Taleefanada ayaa inta badan sababa dil dhowr qof, kuwaas oo ay geystaan kooxo hubeysay, kuwaas oo mararka qaar ku labisan dareeska ciidanka dowladda, dilalka nuucaan ah ayaa dhowr jeer hore uga dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu dilay dhowr ruux oo loo dhscayay sida Saadaam.

Goobjoog News