U bood dhigaalka

Wiil Ku Geeriyooday Galmudug Isagoo Kubad Ciyaaraya

Sheeko:Amniga

Wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday magaalada Dhusamareeb ee caasimadda maamulka  Galmudug , xili uu ciyaarayey kubadda cagta sida ay sheegayaan warar aan  ka heleyno magaalada.

Marxuum Yaxye Maxamed oo da’diisa lagu sheegay 14 sano jir ayaa geeriyooday shalay galinkii dambe xiili uu ku gudajiray ciyaarta, dhallintii garoonka kula jiray ayaana ka naxay geerida kadiska ah ee Yaxye.

Ehelada marxuumka oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka wiilka dhallinyarada ah, waxaana geeridiisa loo sababaynayaa inuu si kadis ah u istaagay wadnaha, da’yartii  la ciyaareysay ayeyna ku keentay cabsi geeridiisa.

Goobjoog News