U bood dhigaalka

Soomaali ku biiraysa ciidamada dalka Maraykanka

Sheeko:Dalka

Askari Maraykan ah oo Soomaali ahWaxaa aad u yar tirada Soomaalida heysata dhalashada dalka Maraykanka eek u biira ciidamada dalkaasi, waxaase haatan la’isku dayayaa in Soomaalida lagu qanciyo in ay kusoo biiraan ciidamada.

Koox ciidamada Maraykanka u qaabilsan ol olaha qorista ciidamada ayaa yagleeley teendho laga surey calanka Soomaaliya meel ay Soomaalida ku badantahay dalka Maraykanka, halkaasi oo dadka loo sharaxayay sidii ay oga mid noqon lahaayeen ciidamada Maraykanka.

Waxaa ogolaaday in la qoro wiil Soomaaliyeed oo 18 jir ah oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud, balse wuxuu caqabad kala kulmey qoyskiisa oo diidey fikrada ah in uu ciidamada Maraykanka ka mid noqdo.

Balse dadaal badan kadib ayaa lagu qanciyey qoyska in ay ogolaadaan in uu wiilkooda ka mid noqdo Cidamada.

Magaaladda Minneapolis saldhiga ciidamada Illaalada Qaranka ee halkaasi ku yaala oo ay ku jiraan illaa 1200 askari, hal qof oo Soomaali ahna kuma jiro ciidamadaasi.

Mid ka mid ah sababaha aysan Soomaalida oga mid noqonin ciidamada ayaa waxa uu yahay maadaamaa ay kasoo qaxeen dagaalo, intooda badan waa kuwa ka didsan hubka iyo ciidamada, Sida uu faafiyey wargeyska Star Tribune ee dalkaasi kasoo baxa.

Waxa ay dadka intooda badan ka qabaan in haddii caruurtooda ay ku biiraan ciidamada Maraykanka in loo diro wadamada Islaamka , kadibna ay waxyeeleeyaan dad Muslimiin ah.

Prof. Ahmed Samatar oo wax ka dhiga Mah-hadka Macalester ee dalkaasi ayaa yiri “Soomaalida kama warhayaan kaalinta ciidamada ay ka qaataan xiliyada ay dhacaan masiibooyinka qaran”

Urur ay leeyihiin waalidiinta Soomaalida Maraykanka ayaa waxa uu qabaa in mar aan fogeyn la arki doono dhalinyaro Soomaali ah oo badan oo ku biira ciidamada , tanina ay ugu wacantahay tirada Soomaalida ee ku biiraya ciidamada Booliska dalkaasi kuwaasi oo jabiyey xasaasiyadii laga qabay ciidamada.

Goonjoog News