U bood dhigaalka

Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Johannesburg, Koonfur Afrika (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dilkan waxa ka danbeyay wiil kale oo Soomaali ah kaas o muran dhanka dhaqaalaha uu soo kala dhax galay marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey Ilyaas Cabdimaalik.

Ciidadamada ammaanka Dalka Koonfur Afrika ayaa soo gaaray durbadiiba halka uu dilku ka dhacay, waxana ay baadi goob u galeen qofkii dilka gaystay.

ilyaas CabdimaalikQof ku sugan Magaalada Johannesburg ayaa u waramay Goobjoog FM, wuxuuna sheegey in muranka uu ka biloowdey arrin la xiriirta wiilka la diley aabihiis oo lacag ay dhexmartay kan dilka geystey.

Cabdimaalik oo ah aabaha dhalay wiilka ayaa waxa uu muddo dheer ahaa muqalas ama dadka u fududeeya in ay u tahriibaan wadamada Yurub iyo Maraykanka, waxaana dhacday in ninka wax diley sanadkii 2009-kii uu doonayay in uu dhoofo, kadibna uu heshiis la galay Cabdimaalik, balse hawshii ay suurogali weysey.

Lacag illaa 7 kun oo doolar ah oo ninka wax diley laga qaaday ayaa intii muddo ah uu murankeeda taagnaa sidii dib loogu celin lahaa, kadib xalay ayuu gurigiisa ka raadiyey, wuxuuna weeydiiyey in uu Cabdimaalik joogo iyo in kale, kadib Ilyaas ayaa u sheegey in aabihiis uu ku maqanyahay Itoobiyo.

Sida goobjoogahani uu noo sheegey, muran halkaasi ka dhashay kadib ayuu ninkii lacagta raadinayay bastoolad ugu dhuftey Ilyaas oo halkaasi ku geeriyoodey.

Ilyaas waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo xagga isboortiga ku wanaagsan, islamarkaasina ay asxaab yihiin dhalinyarada intooda badan ee Johannesburg, waxaana dilkiisa aad oga xumaaday dhamaan dhalinyarada Soomaalida.

Inkasta oo Soomaalida aad loogu dilo Koonfur Afrika ayaa dilalka dhexdooda ah hadane ay yihiin kuwa aanan yareyn, labo bil ka hor wiil kale oo Soomaali ah ayaa Johannesburg lagu diley, waxaana ku diley nin kale oo Soomaali ah, waxaa ninka dhintey lagu magacaabi jirey Yaxye Khalaf Xassan oo isagu markaasi masaajidka kasoo baxay.

Dhageyso

Goobjoog News