U bood dhigaalka

William Ruto oo loo Dhaariyay Madaxweynaha Cusub ee Kenya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha la doortay dalka Kenya William Ruto ayaa loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Kenyaa, wuxuu xilka sii heyn doonaa shanta sano ee socota. Dad gaarayo 60,000 qof ayaa ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo ay aheyd halka ay  dhaceyso munaasabadda caleemo saarka Ruto.

Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay William Ruto isaga oo gacanta loo geliyay nuqul kamid ah dastuurka iyo seefta muujineysa xil wareejinta. William Samoei Ruto ayaa swaxaa i rasmi ah loogu dhaariyay madaxweynaha shanaad ee Kenya. Rigathi Gachagua ayaa loo dhaariyay madaxweyne ku-xigeenka.

Ninkii kula tartamayay xilka madaxweynaha Ruto ee  Raila Odinga ayaa diiday inuu ka qeybgalo  munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub isagoo sheegay in uu ‘walaac xooggan’ ka qabo oo ku aadan natiijada doorashada. Waxaana sidoo kale munaasabadda caleemo saarka ka qeybgalay mada afrika ka ka socotay.

William Ruto ayaa doorashadii dalkaas wuxuu helay 50.49% codadkii la dhiibtay ee doorashada, wuxuuna ka adkaaday Raila Odinga oo helay 48.8%, kaas oo ahaa musharraxii la tartamayay, natiijada doorashada ayaa waxaa sidoo akle ay gaaraty in la isla gaaro heer maxkamad ay go’aamiso kadib diidmadii Raila Odinga.

Goobjoog News