U bood dhigaalka

Wsiirka Dastuurka “Meel Wanaagsan ayeey Mareysaa Ka Qeybgalidda Shacabka Ee Doodaha Dastuurka”

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso doodda shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan arrimaha Dastuurka.

Waxa uu sheegay in magaalada Baydhabo ay ka fureen shi wacyigelin oo dib loogu eegayo Dastuurka islamarkaana ay tagi doonaan guud ahaan goballada dalka.

“Dastuurka waxaa dib loo eegay 10 cutub qeybihii muhiimka ahaa ee siyaasadda oo qodobada ugu waaweyn ee Dastuurka ah weli dib looma eegin, waxaan weydiineynay dadka waxa ay jecelyihiin in Dastuurkooda loogu daro iyo fahamka ay ka qabaan Dastuurka, Afar maalin oo Baydhabo aan ku joogno laguma soo koobi karo Dastuurka, waxaa jiri doona kulamo badan shacabka oo dhannna aragtidooda wey ka dhiiban doonaan”

“Waxaan la kulannay Bulshada qeybaheeda kala duwan si guud bay ahayd, marka hore waxaan rabnaa inaan soo marno goballada dalka oo dhan islamarkaana aan ka dhageysanno aragtida ay qabaan, wasaaradda howsheeda ma ahan in ay Dastuur qorto, shaqadeedu waa sidii ay ku fududeyn lahayd howlahaan, qorista waxaa shaqo ku leh guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka iyo guddiga la socodka baarlamaanka ee dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri wasiirka.

Wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay goballada dalka ka wadaan wada tashiyadda dhanka shacabka ah ee ku aadan Arrimaha Dastuurka.

Goobjoog News