U bood dhigaalka

Wufuud Caalami ah uu ku Jiro Geelle oo ka Qeyb Galeysa Furitaanka Kanaal Suweys-ka cusub ee Masar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Djabuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka mid ah wufuud caalami ah oo maanta ka qeyb galeysa furitaanka Kanaalka Suweys-ka cusub ee dalka Masar.

Xafladda furitaanka Kanaalka oo bilaabaneysa maanta 4:00 galabnimo, waxaa ilaa iyo hadda goobta soo gaaray Madaxweynayaasha Gaboon, Togo, Madaxweynaha Yemen, Madaxweynaha Mauritania, Boqorka Baxreyn, Madaxweynha , Wasiirka arimaha dibadda Urdun iyo madax kale.

Waxaa kaloo furitaanka ka qeyb galaya Fanaaniinta Masar, bahda Sportiga, Waxbarshada, Warfaafinta iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa kaloo goobta tagay Madaxda Mucaaradka Masar sida Sayid Al-Bawadi oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Wafdi, Eng Musa Mustafa oo ah hogaamiyaha xisbiga Gad, Naji oo ah madaxa Xisbiga Jiil, Cumar Samda oo ah Xisbiga Mu’tamar iyo ninkii doorashada kula tartamayey Sisi ee Xamadin Al-Sabaaxi.

Kooxo ka kala socda gobolada Masar ayaa daafaha Kanaalka ku dhigaya bandhig faneedyo, waxaa kaloo furitaanka ka qeyb galaya Dalxiisayaal Ajaanib ah iyo sidoo kale safaaradaha fadhigooda yahay Masar.

Madaxweynaha Masar Cabdifatax A-sisi ayaa hadda gaaray Markabka El-Maxruusa dushiisa isagoo ku labisan dharka Militariga, waxaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo furitaanka Kanaalka Suweys.

Madaxweynaha Masar Sisi ayaa ku dhawaaqay mashruucan August 5-teeda 2014-kii isagoo sheegay in Mashruucan ay ku kaceyso lacag dhan 29 Billione oo Dollar, Sisi ayaa intaa raaciyay in mashruucan lagu soo gabagabeeyo 1 hal sano taas oo ka duwan mudadii markii hore la shaaciyay oo aheyd 3 sano.