U bood dhigaalka

Wufuuda ka qeyb galeysa shirka Jubbooyinka oo ku sii qulquleysa Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose waxaa ku sii qul qulaya ergooyin la sheegay in ay ka qayb galayaan wajiga labaad ee shira dib u heshiisiinta ee ka furmaya magaaladaasi.

Guddiga ku hawlan qaban qaabinta iyo qabsoomida shirka lagu ballansanyahay in uu ka furmo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in marnaba dib u dhac ku imaan xilkii loogu tala galay qabsoomida shirkaasi.

Guddoomiyaha shirkaas Cabdi Baalay ayaa sheegay in aysan ogayn cida baahisay in shirkaasi dib loo dhigay, hase ahaatee ay ku hawlan yihiin sidii loo qaban lahaa.

Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa hadal uu siiyay warbaahinta magaalada Muqdisho shalay ku sheegay in dib loo dhigay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhanka kale, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta iyana shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdihso ayaa tilmaamay in shir loogu gogol xaarayo dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo uu 20-ka bishan ka furmi doono magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.