U bood dhigaalka

Wufuud Kala Duwan Oo Ku Wajahan Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay gaaraan wufuud kala duwan, kuwaasi oo la filayo in goojoog ka ahaadaan heshiis halkaasi lagu saxiixi doono.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, wasiirka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya edros Adhanom, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, xubno ka socda IGAD, iyo xubno kale oo beesha caalamka ah ayaa tagaya Kismaayo, xilli halkaasi ay kusii sugan yihiin wufuud kale iyo safiiro.

Goobjoog News sida ay Sabtidii idiin kugu soo gudbisay warbixin gaar ah oo aynu ka helnay magaalada Garoowe, maamulka Puntland ayaa aqbalay qaadasha nidaamka 4.5, iyadoo la is fahmay, maantana saxiix uu dhici doono. (warbixinta halkaan ka akhri)

Sidoo kale magaalada Garoowe waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ogolaashiyaha Puntland ayaa imaanaya kadib markii March 30 ay Garoowe gaareen Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olga Bekar oo ay wehliyaan wafti uu ka mid yahay Safiirkii hore ee dalkaas u fadhiyay Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.

Dhowr kulan oo dowladda Soomaliya uga dhaadhicin lahayd Puntland arrinta 4.5 ayaa fashilmay, laakiin culeyska diblomaasiyadda Turkiga ayaa jilcisay mowqifka Cabdiweli Gaas iyo xukuumadiisa.

Qodobada Puntland laga ogolaaday waxaa ka mid ah:-

In dib u dhis loo sameeyo deegaannada Puntland

In Halkii xildhibaan ay soo doortaan 50 qof oo beeshiisiisa ah

Maamulka Puntland ayaa in badan ku celceliyey in aanay aqbali doonin qaadasha nidaamka 4.5.

Qodobada heshiiska oo dhameystiran kala soco Goobjoog News