U bood dhigaalka

Wufuud Kala Duwan Oo Muqdisho Soo Gaartay

Sheeko:Amniga
Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qulqulaya wufuud kala duwan oo ka socota dalalka deriska iyo kuwa calaamka, kuwaas oo qayb galaya munaasibadda caleema saarka madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda dowlad gobaleedyada dalka oo iyagana qayb ka ah munaasibadda caleema saarka ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka socota dowladda Isku tagga imaaraadka carabta ayaa saaka sidoo kale soo gaaray magaalada Muqdisho oo maanta ay ka dhaceyso caleemasaarka madaxweynaha.
Munaasibadda caleema saarka madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto maanta oo  khamiista ah, waxaana ay ka dhici doonta Afisyooni.
Amniga magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, xilli waddooyinka caasimadda lagu arkaayo ciidamada xoogga iyo gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.
Goobjoog News