U bood dhigaalka

Xaaf: Dadkii Galkacyo Lagu Dilay Waxaa Dilay 10 Askari oo Ka Tirsan Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadkii 9-ka ahaa ee lagu dilay Galkacyo 14-kii bishan ay dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Mudane Xaaf oo arrintaas ka hadlaya waxa auu yiri “Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”.

Markii uu dilka dhacay waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, inakoo kaa shaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inakoo kaa shaneynaa oday dhaqameedyada, inakoo kaa shaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed  in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”.

Goobjoog News