Xaaf Oo DFS Ugu Baaqay Xallinta Khilaafka Golaha Shacabka
Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu dhammeeyo khilaafka ka dhex jira xildhibaannada golaha shacabka.
Waxa uu sheegay Xaaf, in loo baahan yahay ka shaqeynta nabadda, horumarka iyo dowlad wanaagga.
“Xiisadaha Xamar ka jira waxaan leenahay joojiya, oo wadahadal ku dhameeya waxa jira…wixii dan ah waa laga wadahadli karaa. Waxaan jeclaan lahaa in Soomaaliya oo dhan ay ka dhacdo midnimo, nabad, wax walbana la hagaajiyo” ayuu yiri Xaaf.
Waxaa cirka isku shareeray khilaafka ka dhaxeeya xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo weli aanay muuqan rajo ah isku soo dhowaanshiyahooda.
Goobjoog News