U bood dhigaalka

Xaaf: Qabiil Waa Dhintay Ee Iska Daaya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in xilligaan qabyaaladdu ay ku dambeyso qurbaha, balse gudaha dalka uu ka dhintay.

Xaaf oo la hadlayey boqolaal shacab ah ayaa sheegay in markaan la wajahay wadadii waxqabadka, isaga oo tilmaamay in Labo sano gudahood dalka oo dhan lagu gaarsiin karo isbedal dhan walbo ah.

“Qabiil waa dhintay ee iska daaya, qabiilkii dibadda ayuu ku haray gudahana wuu ka dhammaaday ee ogaada, haddii aad nala shaqeysaan Soomaaliya mid bay noqoneysaa, horumar bay gaareysaa, inteena badan waan cusub nahaye Labao sano nasiiya, Lixdii Bilba 100 qof baan idin ka casuumeynaa oo geyneynaa dalka oo soo celineynaa si aad u barataan waxa uu dalka u baahan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyay magaalada London ee daka Ingiriiska.

Halkaan hoose ka dhageyso codka madaxweynaha

Goobjoog News