U bood dhigaalka

Xaaf: Waxaan Dhagax-dhignay Faracyada Jaamacadda Umadda Ee Galkacyo, Cadaado, Dhuusa-mareeb iyo Cabud-waaq

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay soo dhagax-dhigeen faracyo ay jaamacadda umadda Soomaaliyeed ka furaneyso magaalooyinka Galkacyo, Cadaado, Dhuusa-mareeb iyo Cabud-waaq, dhammaantood waxaa laga maamuli-doonaa xarunta dhexe ee Muqdisho.

Hadalkan waxaa uu Mr. Xaaf ka sheegay magaalada cabdu-waaq halkaas oo ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cadullahi Farmaajo.

Ardeyda Galmudug ayaa heli-doona waxbarasho lacag la’aan ah oo ay hirgeliso dowladda federaalka ah, taasi oo astaan u noqon-doonta baahinta adeegyada dowladinimada.

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxaa ay leedahay kuliyado badan oo ay ka mid yihiin beeraha, xoolaha, dhaqaalaha, caafimaadka, Injineeriyadda, waxbarashada, sharciga iyo saxaafadda.

Goobjoog News