U bood dhigaalka

Xaafad Ka Tirsan B/weyne Oo Laga Qaadey Bandow Saarnaa Muddo Saddex Bil Ah

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maamulka magaalada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in bandow saarnaa xaafadda Buundoweyn muddo Saddex bil ah laga qaadey, kadib cabasho ka timid shacabka ku dhaqan xaafadaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in xaafaddaasi ay amni ahaan uu isbedalay, islamarkaana ay geeyeen ciidamo Booliis ah oo amniga xaqiijiyey.

Sababta Bandowga habeenkii ah xaafaddaasi u saarnaa ayuu ku sheegay guddoomiyaha kadib markii halkaasi lagu diley askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale guddoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Axmed ayaa sheegay in isbedal ahaan amniga magaaladaasi yahay mid aad u hagaagsan, islamarkaana ciidamada ay xoojiyeen howlgallada amniga lagu sugayo.

Todobaadkan gudahiisa waxaa magaalada Baladweyne ka dhacay falal amniga ka dhan ah, waxaana magaaladaasi lagu diley mid kamid ah ganacsatada ugu caansan magaaladaasi.

Goobjoog News