U bood dhigaalka

Xaafado Ka Mid Ah Muqdisho Oo Laga Qaxayo

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmooyiinka Hodan, Hawl-wadaag , Warta Nabadda iyo Boondheere ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda kadib Cabsi amni oo soo wajahday .

Shacabka ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay soo wajahday Cabsi xoogan oo ku aaddan in ay aagagga guryahooda uu ka bilaabmo dagaal .

Ciidamada dowladda iyo kuwa Mucaaridka ayaa inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho isku hor fadhiyo , iyadoo Mucaaradka ay isku sii balaarinayaan degmooyinka qaar.

Sawirada Qaar Ka Mid Ah Dadka Maanta Qaxaya