U bood dhigaalka

Xaafado ka Tirsan Degmada Baardheere Oo Laga Helay Walxaha Qarxa

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobalka Gedo, waxa ay kusoo qabteen walxaha qarxa oo badi dhulka lagu aasay.

Md ka mid ah Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baardheere ayaa Goobjoog News u sheegay in ay heleen walxo qarxa oo badan, kuwaasi oo uu tilmaamay in la doonayay shacabka in lagu waxyeeleeyo.

“Miinooyin bay ahaayeen, dadkii geliyay wadooyinka lama helin, balse waan soo bixinnay si shacabkii aan u badbaadinno” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay wadaan howlgallo la sheegayo in amniga degmada Baardheere lagu xaqiijinayo, kaasi oo tiro dhalinyaro ah lagu soo qabtay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan Al-shabaab kala wareegay degmada Baardheere, waxaana muddo ku dhaw 10 sano halkaasi maamulayay Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News