U bood dhigaalka

Xaaji Aadan Cabdulle Ayaa Loo Doortay Hogaaminta Xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubbadd Cagyaraha ( Somali Mini Football) 2020-2025

Sheeko:Cayaaraha

Xafladda Doorashada oo si heersare loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galeen masuuliiin ka socotay golasha Shaacabka Heer federal iyo heer dowlad goboleed, wasiiro,Guddiga Olombiakda Soomaaliyeed, Xiriirada Heer qaran, maamulka Gobolka Banaadir, Naadiyada iyo Xiriirada kubadcagyaraha Maamul-Gobleedyada dalka, halyeeyada Isboortiga qeybahooda kale duwan, hobollada Waaberi iyo marti sharaf kale.

Xilka Guddoomiyaha oo ay u codoeynayeen 19 Xubnood waxaa u tartamay Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi iyo Saalax Maxamed Naaji, waxaana 17 cod ku guulaystay Xaaji Aadan Cabdule Mahdi halka 2 Cod uu helay Saalax Maxamed Naaji.


Guddoomiye ku xigeenada waxaa u tartamay 3 musharax oo kala ahaa Xasan Cabdi Goodax, Abuukar Xasan Yuusuf iyo Cabdi Xakiin Xuseen Islow,Xasan Cabdi Goodax oo helay 17 iyo Abuukar Xasan Yuusf oo helay 13 Cod ayaa ku guulaysatay halka cabdixakiin Xuseen Islow uu helay 2 cod.

Xubnaha oo ay u taagnaayeen 5 xunbood oo laga doonayay 4 xubnood waxa tanasulay Cabdulqaadir Maxamed Sugoow, waxaana cod gacan tag ah loogu codeeyay Cabdi Maxamed Xasan, Cabdulqaadir Xaaji Dacar, Saacid Cabdi Xuseen iyo Ikraan Cabdullaahi Maxamed.

Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi oo shanti sano ee lasoo dhaafay ahaa xoghayaha Xiriirka ayaa sheegay in qorshe ballaaran oo horumarineed uu xiriirka diyaarsaday isla markaana ay horumarin ka sameyn doonaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Maxamed Xuseen Qalinle