U bood dhigaalka

Xaalad Adag Oo Laga Soo Sheegayo Deegaannadii Uu Wabiga Kaga Fatahay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe kuna dhaw degmada Mahadaay ayaa waxaa go’doomiyey fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabelle, iyadoo lasoo sheegayo in deegaannadaasi ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannadan hoostaga degmada Mahadaay ayaa lasoo sheegayaa in xaalad adag oo cuntada iyo raashiinka ay hayso, iyadoo laga baqayo sidoo kale in halkaasi cuduro ka dhashaan.

Xaaji Saalax oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada degmada Mahaday ayaa u sheegay Goobjoog News in laga baqayo in fatahaadda ay gaarto deegaanno kaga beegan dhanka Galbeed degmada Mahadaay.

Waxaa xirmay wadooyinkii laga geli lahaa deegaannadaasi, waxaana ku hareeraysan biyaha Wabiga, waana midda la sheegay in xaaladda ay sii adkeysan.

Daadka Wabiga Shabelle ayaa la tagay dalag beereed badan, iyadoo maamulka degmada Mahaday ku baaqay in shacabkan loo gurmado.

Goobjoog News