U bood dhigaalka

Xaalad Adag Oo Soo Wajahday Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Ku Xiran Xabsiga Mombasa Ee Dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo lagu eedeeyay in ay burcad badeed yihiin.

Cabdi Saciid oo ka mid ah dhalinyaradaan ayaa isaga oo ku xiran xabsigaasi u sheegay Goobjoog News, in dhibaato xooggan ay xabsigaasi ku hayso, islamarkaana ay uga baahan yihiin dowladooda gurmad degdeg ah.

Waxa uu sheegay in isaga uu ahaa kallumeysato, islamarkaana uu soo qabtay markab dagaal oo Denmark laga leeyahay, kaasi oo geeyay dalka Kenya.

“Anaga dhibaato xoogan ayaa meeshaan nagu haysa, raashiin nagu filan ma haysanno, waxaa gacanta nagu haya ciidamada dalka Kenya, waxaan ku dhaw nahay 100 qof, qaarkeen waxaa lagu xukumay 20 sano, aniga kula hadlayo waxaan ku xukumanahay 7 sano, waxaa ii haray Labo Sano iyo bar” ayuu yiri Cabdi Saciid.

Ugu dambeyn muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah in ay degdeg wax u qabtaan, islamarkaana ay u dhaanto intii dal shisheeye ku xirnaan lahaayeen ay u wanaagsan tahay in dalkooda ay ku xirnaadaan.

Goobjoog News