U bood dhigaalka

Xaalad Adag Oo Soo Wajahday Qoysaskii Ka Baracay Deegaanka Tukaraq, Sool

Sheeko:Dalka

Qoysaskii ka barakacay dagaallada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Maxamuud Mire oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadkan oo ku barakacay deegaanno kale oo isla Sool ah ay soo wajahday xaalad biyo la’aan ah iyo sidoo kale caafimaad darro.

Cudurka shuban biyoodka ayuu sheegay inuu ka dilaacay deegaannada ay dadkaan ku barakaceen, wuxuuna meesha ka saaray iney heleen dadkaan gurmad.

“Xaaladda dadkani ma wanaagsana, biyo wanaagsan maleh, shuban baa jira, dadku aad bay u dhiban yihiin, mana la arag cid usoo gurmata” ayuu yiri Mire.

Wixii ka dambeeyay dagaalkii ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa jiray shacab badan oo naftooda kala baxsaday deegaankaasi.

Goobjoog News