U bood dhigaalka

Xaalad Bini’aadanimo Oo La Sheegayo In Ay Haysato Shacabka Ku Dhaqan Deegaano Ka Mid Ah Gobalka Bakool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay ka jirto xaalad Bini’aadanimo ka dib markii dadkii halkaasi ku dhaqnaa ay waaweeyn Raashhiin ay cunaan.

Aadan Cabdi oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan xaalad daran ay ka jirto degmooyinka kala ah Xudur, Rabdhuuro iyo deegaanka Caato.

“Xaalad adag ayaa ka jirta Xudur iyo deegaanada kale ee ku dhaw, waayo wadooyin badan ayaa xiran, dadka qaar waxa ay la yihiin raashiin iyo sidoo kale waxyaabo muhiim u ah noloshooda” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in wadooyinka gala degmooyinkaasi ay guud ahaanba xireen, iyadoo halkaasi aanu jirin raashiin ganacsi iyo sidoo kale mid samafal ah oo la geyn karo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News