U bood dhigaalka

Xaalad Dagaal Ayaa Ka Dhex Bilaabatay Israel iyo Iran

Sheeko:Amniga

Sarkaal Iiraani ah ayaa ka digay in dalkiisu u tixgelin doonto fal cadaawadeed, imaatinka markab gujis ah oo ay Israa’iil leedahay oo gudaha usoo gala biyaha gacanka,  halka sarkaal Israa’iil ah uu xaqiijiyay in Tel Aviv ay la socoto xaaladda una diyaar garoobayso weerar toos oo Iiraan ka yimaad ama duqaymo gantaallo loo adeegsado.

Afhayeen u hadlay Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanka Iiraan, Abu fasli  camawi – ayaa u sheegay TV Al-Jazeera in haddii markab gujis oo Israa’iil ah uu yimaado Khaliijka, uu dalkiisa Iran u tixgelin doonaa ficil cadaawadeed isagoo tibaaxay in iran a ay xaq aan u leedahay inay aargoosato waqtigaasi, Wuxuu la hadlay Israa’iiliyiinta, isagoo sheegay inuu u dirayo farriin cad, oo ay tahay inay taxaddaraan, oo wuxuu si cad usheegay in haddii gujis israa’iil leedahay uu soo gaaro, biyaha Gacanka, “waxay noo noqon doontaa bartilmaameed weyn” afhayeenka gudigga amniga qaranka baarlamaanka iran

Afhayeenka, wuxuu carabka ku adkeeyay in kasoo Agdhowaashaha Israa’iil ee meel dhow Iran ay dhibaato ku abuuri karto dalalka deriska ah. Camawi oo ka hadlayay tuhunka ah in dalkiisa uu ku amrayo kooxaha Ciraaq inay fuliyaan talaabooyin milatari iyaga oo iran metelaya, wuxuu sheegay in Iran ay cilaaqaad la leeyahay kooxaha Ciraaqiyiinta, laakiin taa macnaheedu aysan ahayn in iraan ay u baahan tahay kaalmadooda.

Dhanka kale, waxaa uu ku nuuxnuuxdaya in haddii Tehran ay dooneyso inay aarsato ay si rasmi ah u sameyn lahayd, isla markaana aysan u baahnayn wakiillo si ay u fuliso weerarro ka dhan ah Israa’iil. Amir Hossein Qazizadeh Hashemi, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Iran, wuxuu sheegay in dalkiisu uusan ka walaacsanayn soo galitaanka uu biyaha Gacanka, soo galay markab quusa ee ku hubaysay Nukliyeerka ee USS Georgia kasoo maraykanku leeyahay wuxuuna sheegay  in ciidamada Iran ay awoodaan inay  marakaba ku qabtaan shabaag kaluumeysi..

Iyadoo hanjabaadda iran iyo kooxaha wakiilada uga ah gobolku ay taagan yihiin, hadana safaaradda Mareykanka ee Baqdaad waxay iska fogaysay in ay daad-gureysay shaqaalaheeda iyadoo ka baqeysa weerarro aargudasho ah maadaama lajoogo sanad-guuradii koowaad ee dilkii taliyihii hore ee guutada qudus Qassem Soleimani.

In kasta oo ciidanka Ciraaq ay shaaciyeen in “koox sharci-darro ah” ay mas’uul ka ahaayeen qaraxii dhowaan lagu qaaday safaaradda Mareykanka, kaasoo sababay qasaarooyin maadi ah oo yar; Trump ayaa sheegay in gantaalada laga so tuuray Iiraan, wuxuuna wacad ku maray inuu ka jawaabi doono.

Filashada israel

Dhiniciisa, afhayeenka ciidamada gumaystaha  wuxuu sheegay in Israel ay isha ku hayso xaalada Ciraaq iyo Yemen iyagoo filaya weerar Iiraan kayimaada ama dagaal jugta culus ah, halka ataamaha colaadda ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ay sii socdaan.

Afhayeenka ciidamada Israel ayaa intaa ku daray in hadaladii ugu dambeeyay ee ciidanka ee ku saabsan dagaalka jugta ay ku yimaadeen xaaladdan, isagoo diiday inuu ka hadlaan markab gujis ah oo Israel leedahay oo ku sii jeeda Gacanka.

Dhinaca kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawlgallada ciidanka Israa’iil oo ay ku jiraan kuwa badda ay ka socdaan dhammaan aagagga fog iyo kuwa u dhow eeBariga Dhexe, waasida uu hadalka uyuri.

Dhinaca kale, taliyaha ciidamada badda ee ilaalada kacaanka Iran Admiral Ali RidaTankisiri wuxuu ugu yeeray ciidamadiisa inay feejignaadaan oo ay diyaar garoobaan, Isago kormeer ku sameeynayay ciidamadiisa lu sugan jasiiradaha danab weyn iyo danabta yar oo ay isku hayaan Imaaraatka, wuxuu carabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay difaacaan amaanka Iran.

Ilo rasmi ah oo reer Iiraan ah ayaa usheegay aljzeera in Israa’iil ay tahay inay ogaato in jawaabta Tehran ee ku saabsan weerar kasta oo lagu waxyeeleeyo amniga qaranka ay noqon doonto mid xoogan oo ballaaran. Waxay intaas ku daray in Israel ay raadinayso marmarsiyo ay gobolka ugu jiido xiisad abuureysa qalalaase maalmaha ugu dambeeya ee xilli madaxeedka Trump.

Goobjoog News