U bood dhigaalka

Xaalad Deganaan ah oo laga dareemayo Qaayib iyo Ciidamo gurmad ah oo gaaray

Sheeko:Amniga

Waxaa xaalad deganaan ah laga dareemayaa deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo maanta ay ku dagaalameen Al-shaabaab iyo ciidanka dowaladda oo taageero ka helayo kuwa deegaanka, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo  la hadlay Goobjoog News kadib markii uu soo idlaaday dagaalka, ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka ay ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidamo aad u badan dhowaan laga qaaday  Muqdisho ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanka Qaayib, iyagoo ka  dhaqaaqay magaalada Dhuusamareeb, waxaa  ay ka qeyb ka qaadan doonaan deegaanka Xiindheere iyo sidoo kale degmada Ceelbuur.

Al-shabaab oo deegaanka soo weeraray subaxnimadii hore ee saakay ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal culus oo ku bilowday qaraxyo, waxaana xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Goobjoog News