U bood dhigaalka

Xaalad Deganaansho Ah Oo Maanta Laga Dareemayo Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka, War

Sida ay sheegayaan wararka ay Goobjoog News ka heleyso magaalada Gaalkacyo waxaa maanta oo Jimco ah laga dareemayaa xaalad deganaansho ah kadib markii dagaal uu shalay dib uga qarxday duleedka galbeed ee Gaalkacyo.

Ciidamada labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayaa isku horfadhiya goobihii lagu dagaallamay ee duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Ma jiro maanta wax dagaal ah oo ka socda magaalada Gaalkacyo xaaladda ayaana aad u deggan wallow mar kasta la filan karo inuu dagaal dhici karo.

Ciidamada labada dhinac ee isku horfadhiya galbeedka Gaalkacyo ayaa weli waxaa dhaqan gelin heshiis lagu kala qaadayo.

Dadweynihii deganaa magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac ayaa gebi ahaanba isaga baxay magaaladaasi colaadaha dartood waxayna dadka shacabka ahi xaalado adag ay ku heystaan bannaanka magaalada Gaalkacyo oo ay u barakaceen.

Maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dagaalka oo fagtii hore uu isaga billaabay xabadda.

Goobjoog News