U bood dhigaalka

Xaalad Kacsanaan ah iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Laga Dareemayo Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Xaalad kacsanaan ah iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa maanta laga  dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, Halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweynaha dowlad goboleed Galmudug Qoorqoor oo dhowaan halaas haaray.

Magaalada ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo xaqiijiyeen inay magaalada soo galeen ciidamo maleeshiyo ah oo u abaabulan hab beeleed, kuwaaas oo wata gadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan.

Maleeshiyaadkaan ayaa kasoo horjeeda qaabka loo wajahayo kursiga tirsigiisu yahay HOP# 95 oo sanadihii danbe uu ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) waxaana ka dhashay xiisad keentay in ciidamo badan lagu arko Gaalkacyo.

Goobaha lagu arkay ciidamada meeleeshiyaadka ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoogayaashu ay sheegeen in ay ka mi tahay guriga uu ka degan yahay magalaada Galkacyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku sugan Gaalkacyo, waxa uu a halkaas u joogaa sidii uu u dhameystiri lahaa kuraasta golaha shacabka ee ku harsan maamulkiisa, xilli la filayo in markale uu dib u dhac ku yimaado jadwalkii  hore.

Goobjoog News