U bood dhigaalka

Xaalad Nolo Xumo Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Hoostaga Degmada Jowhar Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Xaalad adag oo dhanka Nolosha ah ayaa xilligaan waxaa laga soo sheegayaa deegaanno dhanka Galbeed kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe.

Shacabka ku dhaqan Tuulada Daniga oo ka mid ah deegaanadaasi ayaa la sheeg in ay dhexda uga jiraan biyaha daadadkii ka dhashay roobabka xilliga deyrta ah ee halkaasi ka da’ay.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa soo sheegaya in dadka waxa hadda ugu daran ay tahay cuntada, maadaama aysan jirin meel gaadiid maro oo raashiin la marsiiyo.

Dadkaasi qaarkood ayaa wariyaheena ka codsaday in codkooda uu baahiyo si ay u helaan gurmad degdeg ah, iyaga oo sheegay in raashiin ay cunaan aanu jirin, sidoo kalena u baahan yihiin adeegyo uu ka mid yahay caafimaadka.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah ayeey ugu baaqeen in gurmad xooggan lasoo gaaraan, islaamarkaana ay doonayaan sidii ay kaalmo bini’aadannimo ku heli lahaayeen.

Roobabka xilliga deyrta ah oo ka da’ay deegaanno badan oo dalka ah, ayaa saameyn ku yeeshay dadka inta badan ku dhaw wabiga, gaar ahaan gobalada Shabellaha Dhexe iyo Gedo.

Goobjoog News