U bood dhigaalka

Xaalad Nololeed oo Aad U Daran oo Heysata Dadkii Ka Barakacay Dagaallada Hiiraan

Sheeko:Amniga

Iyadoo howlagallo ay ka socdaan gobolka Hiiraan, kaas oo ay wadaan ciimado ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee lagu magacaabo Maacawislayda ayaa waxaa laga soo deyrinayaa xaalladda noleed ee dadkii ka barakacay deegaannada ay ku dagaalameen ciidanka isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

Biloowgii bishaan ayay aheyd markii Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen dhamaan guryahii ku yaalay ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga Maxaas, islamarkaana ay ka qarxiyeen ceel biyoodyadii ku yaalay i oo ay ku noolaayen dadka iyo duunyada oo markii horeba la daalaan dhacayay Abaar baahsan.

Waxaan jirin gurmad ilaa iyo hadda la gaarsiiyay dadka ka barakacay Tuulooyinka la gubay iyo kuwii ugu dambeeyay ee lala wareegay, iyadoo  ay jirin biyo, Maxaas iyo Matabaan ayaa ah goobaha ay ka heli karaan biyo, maadaama Tuulooyinla laga qarxiyay ceel biyoodyadii dadku ay ka cabayeen biyaha xilligaan.

Howlgalka ka socda gobolka Hiiraan uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaanno ka tirsan federalka, waxaana maalmihii ugu dambeeyay ciidanku ay howlgallo ugu saareen Al-shabaab dhowr deegaanno, kuwaas oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolkaas.

Goobjoog News