Xaalada Baydhabo oo saaka degan xilli xalay maqribkii iska hor imaad uu ka dhacay

Baydhabo
Baydhabo

Deganaansho ayaa saaka laga soo calaamadaynayaa in ay ka jirto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasi oo maqrabnimadii xalay iska hor imaadyo ay ka dhaceen.

Iska hor imaadkan waxaa ku dhaawacmay shan qof kuwaas oo u badan haween ka qayb galayay xaflad aroos sida ay sheegeen dad Baydhabo ku sugan.

Iska hor imaadka ayaa dhacay markii kala shaki uu soo kala dhax galay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku hawlanaa sugida ammaanka iyo kooxo ku sugnaa   xaflada arooska ee kor u ridayay xabadaha taas oo ay kaga qayb qaadanayeen arooska.

Saraakiisha dowladda ee magalada Baydhabo wali ma aysan ka hadlin weerarkan ka dhacay xalay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Taliska ciidanka magaalada Baydhabo ayaa hore u mamnuucay in rasaas laga dhex tuuro xafladaha aroosyada sababo ay ku sheegeen ka hor tagista kooxo ku dhuumaalaysta aroosyada.

 

Related Articles

48 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW