U bood dhigaalka

Xaalada wariye Cabdirisaaq Black oo soo hagaageysa

Sheeko:Dalka

Waxaa soo hagaagaya xaalada wariye Cabdirisaaq Aadan Cilmi (Black) oo shalay koox hubeysan ay ku dhaawaceen xaafada Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Dhaqaatiirta ku howlan daweynta wariyaha ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay ku guuleysteen qalliinkii ay ku sameeyeen isla markaana uu dareemayo imika xaalad ka duwan tii shalay uu ku jiray.

Howl wadeenada caafimaadka ayaa xusay in ay ku guuleysteen in ay wariyaha ay ka soo saaraan xabadihii ku dhacay ayna weli xaaladiisa la tacaalayaan.

Qaar ka tirsan ehellada wariye Black ayaa iyana inoo sheegay in ay soo hagaageyso xaaladiisa oo uu kala garanayo dadka u yimaada.

Koox ku hubeysan bistoolado ayaa shalay xabado wariyaha kaga dhuftay dhabarka isla markaana ka baxsaday goobta.

Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka loo geystay wariye Black.