Xaaladda Abaarta oo Mareysa Meel Adag, Gobollo kala Duwan oo Soomaaliya ah

Gobollo farabadan oo ka tirsan deegaannada Dalka ayaa waxaa ka jira abaaro aad u xooggan oo dalka iyo duunyadiiba saameeyeyay, hadaba waxaan warbixin idiinka diyaarinnay xaaladda abaaraha ee heerka ay mareyso Deegaanno kala Duwan oo dalka ah.

Hiiraan:

Qoysaska abaartu ay Saameysay ayaa Ku Nool Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa Sheegay in xaaladooda Nolaleed ay kasii dareyso.

Dadkaan oo u badan xoola dhaqato ayaa la sheegayaa in aysan ka helin maamulka Degmada Maxaas iyo hey’adaha samafalka ah ee deegaanka ka howlgala gurmadkii bini’aadmnimo ee ay u baahnaayeen, iyagoo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha abdan loogu gurmado.

Wariyeheenna gobolka Hiiraan Khaalid Ilka Case oo makarafoonka la dhex mary qaar ka mid ah barakacyaasha degmada Maxaas ayaa, hooyo ka mid ah barakayaashu u sheegtay:

“Duruufaha hadda noogu daran waa biyo la’aan iyo raashin la’aan iyo xoolaha oo naga jirran, xoolaha wixii aan meesha la nimid dawo ayay u baahan yihiin, biyo waan rabnaa raashin waan rabnaa, waxwalba ayaan rabnaa dad dhibaato hayso ayaan nahay”.

Gobolka Gedo:

Maamulka Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa ugu baaq  Dawlada soomaaliya inay Gurmad deg deg ah lalaso Gaaro dadka abaarta ay hesto ee Kunool degmadaasi.

Qoysas badan ayaa soo gaartay degmada kuwaasi oo ka yimid degaanno ka tirsan Gobolka oo abaaraha ay ka jiraan waxaana illaa hada aan jirin wax Gurmad ah oo ay heleen.

waxaa uu maamulka Degmada  codsadaa in laga soo jawaabo baahida ka jirta Degmada Baardheere xiligan oo meelo badan oo kamid ah Gobolka abaarta looga soo barakacay.

Abaaraha gobollada Soomaaliya oo dhan ayay ka jiraan, abaar xooggan baa ka jirta dadkii xoolihii way ka dhamaadeen, dadkii beeraha tacban jiray ruuxooda dalaggii ma jiro magaalooyinkii baa la soo galay, intaas oo qoys oo boqollaal ah ayaa soo barakacay oo tuulooyinkii ka timid”.

Gobolka Sool

Guddiga Taakuleynta Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee Gobolka Sool ayaa Ka Warramaya Xaalad Adag oo ay Indhahooda Ku Arkeen:

Dadka Deganaa halkaasi waxay Dhibaato ka haysata dhinac yada raashin hoyga iyo Adeegyada caafimaad  oo ay adag tahay helaan.

Gidiga ayaa Waxay Dhawaan Xerha Bara kacayaasha Dhaadh siiyeen Taagiyo loogu tala galay in dadkaasi Bayaha loogu Shubi si ay ugu Bad-baadaan shubanka oo xeryaha ka jira

waxaa kamid ahaa dadki halkaasi kormeeray Sheekh Siciid Axmed Cadarre oo  ugu Horeyn ka hadlay kormeerka ay halkaasi ku tageen iyo Xaalada dadkaasi abaarata ay heeyo oo aan biyo mooyaane wax kale haysan:

“Dhul badan oo uu ka mid ayahay ceel Midgaan oo ka tirsan degamada Adhi Caddeeye, indhihiinna waxaad ku arkaysaan ummaddan faraha badan ee maatada ah ee iskugu timid halkan kan, mar hore oo aan booqannay annagoo ah guddiga taakuleynta dadka abaaraha ku saamoobay, waxaanu ekeennay taangiyo waaweyn oo biyaha loogu shubo, biyihiina waan ugu shubnay, dadkan aanu u nimid haba yareetee ma haystaan waxay cunaan iyo waxay huwadaan biyahaas ayuunbay hadda ku sii noolyihiin”.

Gobolka Mudug

Wax-Garadka Degmada Towfiif Ee Gobolka Mudug ayaa Abaarta haysata Ku Tilmaamay Mid aan Horey oo Arkin

Degmada Towfiiq waxaa kulan ku yeeshay odayaasha ,haweenka iyo dhalinyarada kuwaasi oo ka wadahadlay  xaalada Abaaraha ka jira deegaanka iyo sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Nabaddoon Cabdilaahi Maxamed  Nuur Caylo oo ka mida waxgaradka degmada Towfiiq ayaa sheegay in deeganaasi ay ka jirto abaar aan horey loo arkin oo awtii gaadiidka ahaydna ay u hor fariisanayso xoolihii:

Degmada Towfiiq iyo naaxiyaddeeda ee gobolka Mudug ka tirsan, qodobka koowaad iyadoo awal abaar ay Soomaaliya ka jirtay, hadana aad mooddo iney dadka uga horreysay oo 2-sano aaney wax roob ah aaney helin, culeys labaad ayuu ku noqday gobolka Mudug iyo nugaal inta xoolihii ka socday Geelii oo iska fariisanayaaba ha ugu batee dhinaca Gaadiidka biyihii ayaa wax gaarsiiya la waayay, dadka reer miyiga waxa ku dhaqmi jireen awrta waxa la yiraahdo oo meel kasta oo wadaleh u geli jirtay, oo dadka iyo duunyada labadaba biyaha gaarsiin jirtay, abaartan ninka ugu weyn ee deegaanka Towfiiq oo 104 sano ah ayaa niri maxaa u sabab ah, waxaa u sabab ah ayuu yiri; xooluhu wuu dhamaan jiray laakiin gaadiidka waa ugu dambeyn jireen, meel awtii la dhaansan jiray oo ugu horfariisaneyso awrtii”.

Si kastaba, Abaartan ayaa ah tii ugu darneyn darneyn ee ku dhufata deegaanno kala duwan oo dalkeenna Soomaaliya iyadoo dadka miyigu ugu daran yihiin oo xoolihiina abaartu ka laysay dadkiina ay qarka u saaran yihiin iney abaartu salfato.

 Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW