Xaaladda Caafimaad Ee Dadkii Ku Dhaawacmay Weerarkii Liido Oo Soo Hagaageysa

Waxaa soo hagaageysa xaaladda caafimaad ee bukaannadii la jiifiyay qaar ka mid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku dhaawacmay weerar habeen kahor ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Goobjoog News in 12 ruux oo dhaawac ah la geeyay Isbitaalkaasi, xaaladooda caafimaadna badi ay yihiin kuwo wanaagsan.

Waxaa jira Isbitaallo kale oo la gaarsiiyay qaar ka mid ah dhaawacyada dadkii kusoo waxyeelloobay weerarkaasi.

Mahad Cabdullaahi Nuur waa agaasimaha Isbitaalka Umma ee magaalada Muqdisho, waxa uu u sheegay Goobjoog News in halkaasi lasoo gaarsiiyay 9 qof oo dhaawac ah oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ayuu sheegay in laga bixiyay Isbitaalka halka weli halkaasi ay ku jiraan 5 qof oo xaaladooda ay hadda kasoo hagaageyso sidii hore.

“Sagaal qof ayaa nala soo gaarsiiyay, inta badan Firiro ayeey u badnaayeen dhaawac culus ma jirin, waxaa ku jiray mid ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka iyo gudoomiye ku xigeenno, dhaawacyada wey fududaayeen marka loo eego wixii Liido ka dhacay, 4 ka mid ah dhaawacyadaasi lama seexin oo guryahooda ayaan u dirnay halka 5 qof kale ay jiifaan Isbitaalka” ayuu yiri Agaasime Mahad.

Al-shabaab ayaa habeen kahor salaaddii maqrib kadib waxay weerar ku qaadeen maqaayadda Liido Sea Food oo ay ku sugnaayeen shacab badan, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW