U bood dhigaalka

Xaaladda Caafimaad Ee Dadkii Shalay Ku Dhaawacmay Shilkii Baydhabo Oo Laga Deyrinayo

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa aad uga deyriyay xaaladda caafimaad dadkii shalay ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Agaasimaha Isbitaalkani Cabdifitaax Ibraahim Xaashi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in mid ka mid ah 14 qof oo dhaawac ahaan u jiifay Isbitaalka uu geeriyooday, sidoo kalena ay jiraan dad aad u liita.

Waxa uu tilmaamay in dadka qaarkood xitaa laga yaabo in loo soo qaado magaalada Muqdisho, maadaama xanuunno badan jiro.

โ€œDadka hadda qaarkood wey liitaan, shalay mid ayaa Isbitaalka ku dhintay markii la keenay ka dib, wixii xaaladooda adagtahay Muqdisho ayaa loo qaadi doonaaโ€ ayuu yiri Agaasimaha.

Gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah ayaa shalay waxa uu ku fariin baxsaday shacab ganacsi ku hayay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo, halkaas oo khasaare badan uu ka dhashay.

Goobjoog News