U bood dhigaalka

Xaaladda Caafimaad Madaxweynihii Hore ee Mareykanka oo Laga Walaacsan Yahay

Sheeko:Caalamka

Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, isla markaan lagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad “waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center.

Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa beerrey lows tacbada, kahor inta aanu noqon guddoomiyaha gobolka Georgia, isaga oo markii dambe halkaas ka billaabay ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha ee xisbigaDimuqraadiga.

“Kadib dhowr jeer oo si kooban isbitaalka loo dhigay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, maanta wuxuu go’aansaday inuu waqtigiisa u haray guriga kula qaato qoyskiisa oo uu helo daryeel caafimaad halkii uu ka heli lahaa dabiib caafimaad oo dheeri ah,” ayay Xarunta Carter ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Sannadihii lasoo dhaafay, Carter, waxa uu helayay daaweyn isbitaal oo kala duwan, oo ay ku jiraan markii uu shaaca ka qaaday bishii Agoosto 2015 in uu qabo kansarka maskaxda oo uu sheegay in laga daaweynayo.

Intii uu madaxweynaha ahaa, Carter, waxa uu sameeyay ballanqaad ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada. Labadii sano ee hore ee xukunkiisa wuxuu ahaa mid loo riyaaqay, waxaana waxqabadkiisii ka mid aheyd dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Masar oo loogu magac daray Heshiiskii Camp David.

Laakiin maamulkiisa waxa uu la kulmay caqabado badan – kuwaas oo ay ugu cuslayd afduubkii la haystayaashii Maraykanka ee Iran iyo isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu badbaadiyo 52 maxbuus oo Mareykan ah sannadkii 1980kii.

Bishii Nofembar ee sanadkaas, musharaxa xisbiga Jamhuuriga Ronald Reagan ayaa uga adkaaday Carter codbixinta doorashadii madaxweynaha, taasoo keentay inuu xilka hayo hal xilli, isaga oo ku guuldareystay inuu dib ugu soo laabto xilka madaxweynaha dalkaas, hadda waxaa uu wajahayaa xaalad caafimaad adarri.

Goobjoog News