U bood dhigaalka

Xaaladda Dagaal ee Deegaanka Garasweyne oo Wali Kacsan

Sheeko:Dalka

Xaaladda dagaal beeleed ku dhex maraya deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool ayaa wali kascsan, iyadoo cid beelaha u kala dab qaadaysaana aaney wali jirin.

Xasan Aadan oo ka mid ah dadka degaankaas ayaa Goobjoog usheegay in hadda aanuu jirin wax dagaal ah balse la fili karo xilli kasta maadama aaney jirin wax dhex dhexaadin ah oo laga dhex wado labada beelood oo halkaa ku dagaalantay:

“Niman ka tagay magaalada oo shaarka dowaladda gashan oo ciidan isku sheegaaya ayaa oo dad beel ah taargis garaysanaayay, dad kelna waa u xiran yihiin oo ah beeshii dadka laga dilay ah, ninka gobarnatooraha ah markii loo tagay oo la yiri dadkan maxaa lagu hayaa qabii baa haysta ayuu yiri, qabiilkana waa kii uu ka dhashay, deegannada hadda way iska degan tahay, nin oday ahoo muctaraf ah oo deegaannada laga yaqaanno iyo wiilkiisii ayaa lagu dilay dareenku waa iska kacsan yahay, laakiin wax hadda ah ma jiraan”.

Dagaal Beeleed 2 cisho ka hor ka dhacay Garasweyne ayaa waxaa ku dhintay 4 ruux inta la xaqiijiyay, iyadoo lagu soo warramayaa inaaney jirin wax dadaallo ah oo lagu kala dhex dhexaadinayo isla markaana lagu qaboojinaya xaaladda.

Goobjoog News