U bood dhigaalka

Xaaladda Magaalada Baladweyne Oo Saaka Kacsan

Sheeko:Dalka

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in xaaladda magaaladaasi ay tahay mid aad u kacsan.

Waxaa magaalada saaka soo buuxdhaafiyay maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, kuwaasi oo la sheegay inay xirteen meelo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Baladweyne ayaa inoo xaqiijiyay in Maleeshiyaadkani ay ka gadoodsan yihiin dil shalay magaaladaasi loogu geystay sarkaal u shaqeynayay mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala halkaasi.

Weli maamulka gobalka Hiiraan war kama aanu soo saarin arrintaan, waxaana magaalada Baladweyne ka jirin ganacsi iyo isku socodka dadweynaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News