U bood dhigaalka

Xaaladda Marka oo kacsan iyo Madaafiic xalay lagu garaacay magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Xaaladda guud ee magaalada Marka, saaka waa mid ka duwan maalmihii aynu kasoo gudubnay, mana jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo shacabka magaaladaasi ay sameynayaan.

Madaafiic hoobiye ah ayaa xalay la sheegay in saacad ku dhawaad lagu garaacayay meelo badan oo magaalada ka mid ah, taa oo dadka qaar ay sheegayeen in lala eeganayay meelaha ay AMISOM magaalada ka degan tahay.

Duqeyntaan ayaa la sheegayaa in ay waxyeelo soo gaarsiisay dad shacab ah oo guryahood ku jiray, balse ilaa iyo hadda lama hayo qasaaraha guud inta uu la egyahay.

Dhanka kale ciidamo ka mid ah AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu arkayaa qaar ka mid ah xaafadaha Marka, kuwaa oo hakiyay isku socodkii dadweynaha, waxaana ay wadaan howlgalo.

Magaalada Marka maalmihii dambe waxaa kusoo kordhaye falalka ka dhanka ah amaanka, waxaana mararka qaar magaalada ka dhaca qaraxyo iyo dilal.

Goobjoog News.