U bood dhigaalka

Xaaladda Nololeed Ee Barakacayaasha Ku Sugan Degmada Kaxda Oo Laga Deyriyey

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa ka deyriyey xaaladda nololeed dadka barakacayaasha ku sugan degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in xaaladda ugu adag ay haatan ka taagan tahay xerada Daryeel oo ay ku sugan yihiin barakacayaal badan, dadkuna ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Muddo 7-aad ah ayuu sheegay guddoomiyaha in dadkaan aysan helin raashiin ay ka heli jireen maamulka gobolka Banaadir, kadib markii uu sheegay in lagu mashquulay Todobaadka xorriyadda.

“Dadkaan waa kuwo u baahan iney helaan wax walbo oo qof u baahan yahay, raashiin ma haystaan, hoyga ma wanaagsana, raashiin ma aysan helin Todobaad maadaama lagu guda jirey u diyaar garowga maalmaha xorriyadda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn gudoomiye Cismaan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo cid walbo oo wax haysta in gurmad bini’aadannimo lasoo gaaraan shacabka ku dhibban degmada Kaxda.

Goobjoog News