U bood dhigaalka

Xaalado abaareed oo ka taagan tuulooyin hoos yimaada Gedo

Sheeko:War

Maamulka Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa ka qayla dhaamiyay xaalada abaareed ee ka taagan tuulooyinka hoos yimaada Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Buurdhubo Xasan Muxumed Cali ayaa ka digay sii socoshada xaaladahan abaareed ee ka taagan tuulooyinka ku hareeraysan Degmadaasi.

Waxa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Degmadaasi Dowladda Federaalka Soomaaliya wax ka qabashada xaaladaha ka taagan Degmada Buurdhuubo.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii hay’adaha ka shaqeeya gargaarka ay digniino ka soo saareen suurta galnimada ah in macluusha iyo abaaraha ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, saddex sano kadib markii ay abaaro ka dhaceen dalka 2011-kii.